Qarax culus oo ka dhacay degmada Buulo Burde [Fahfaahin]

Image

BUULA BURDE, Soomaaliya - Fahfaahin ayaa kasoo baxaysa qarax xooggan, oo ka dhacay duleedka degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM.

Gudoomiyaha degmada Buulo Burde, Cabdi Daahir Guure, oo la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa miino lagu aasay meel ku dhaw Garoonka diyaaradaha, oo qiyaastii 5-KM u jira magaalada.

Wuxuu tilmaamay gudoomiyaha in Ciidamo gaar ah oo u tababaran qaraxyada ay meesha kasoo saareen miinooyin kale oo lala damacsanaa in lagu waxyeeleeyo diyaaradaha kusoo daga Garoonka, ee saanada milateri u sida Ciidamada Jabuuti.

Cabdi Daahir ma uusan sheegin khasaaraha ka dhashay qaraxa, balse qaar kamid ah dadka degaanka oo la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in dhowr qof oo dhaawac ah la dhigau Isbitaalka degmada.

Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeyso qaraxa, oo qeyb ka ah falal ay khal-khal gelinayso amniga magaalooyinka ay maamusho dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Kooxdan xiriirka la leh Al-Qaacidda ayaa laga saarey dhamaan degmooyinka gobolka Hiiraan sanado kahor, balse waxay maamushaa Tuulooyinka isku xira, waxaana ay go'doomin kusoo rogtay meelaha ay joogaan Ciidamada DF iyo AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM