Qarax xooggan oo ka dhacay duleedka magaalada Muqdishu

Image

CEELASHA BIYAHA, Somalia - Qarax culus ayaa saaka barqadii waxa uu ka dhacay duleedka magaalada Muqdishu, ee Caasumadda dalka Somalia, kaasi oo gaystay khasaarooyin isagu jira dhimasho dhaawac.

Qaraxan oo ahaa miino wadada qarkeeda lagu aasay, ayaa lala eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamada dowladda Federaalka Somalia, oo kusoo jeeday magaalada Muqdishu, iyagoo ka yimid Balli-Doogle.

Ku xigeenka Gudoomiyaha Ceelasha Biyaha, Cabdisalaan Maxamed ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online, in qaraxa ay ku geeriyoodeen labo qof oo shacab ah, iyadoo qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Mas'uulkan ayaa ka gaabsadey inuu ka hadli khasaaraha soo gaarey Ciidamada la socday Gaadiidka qaraxa lagu weeraray, balse dadka deegaan ayaa sheegay inay arkeen Askar badan oo dhaawac ah.

Qaraxa kadib, waxaa goobta xiray Ciidamada amniga dowladda Somalia ee ku sugan deegaanka Ceelasha Biyaha, iyadoo sameeyeen howlgal baaritaan ah, inkastoo aysan jirin cid ay kusoo qabteen.

Ma jirto cid sheegatay Mas'ulliyadda qaraxa saaka, balse Kooxda Al shabaab, ee Xiriirka la leh Al Qaacida ayaa inta badan sheegata weerarada nooca ah, ee ka dhacay dalka Somalia.

Wadada isku xirta Muqdishu iyo Afgooye waxaa kusoo kordhayay mudooyinkii dambe qaraxyo loo adeegsado Miinooyinka dhulka laguu aaso, kuwaasi oo lala eegto Kolonyada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Dadka shacabka ah ee la socda Gaadiidka BL-ka ayaa mararka qaar ku dhaca dabinta loo dhigo Ciidamada, waxaana kasoo gaaro khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac isagu jira.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Sidee Looga Saari Karaa Al-Shabaab Magaalada Istiraatiijiga ah ee Moqokori?

Si dib loogu qabsado Moqokori, waxaa la rumeysan yahay in loo baahan yahay in Macawiisleyda dib la isu abaabulo.

  • Soomaliya

    09-07-2025

  • 01:56PM

Qarax Is-miidaamin ah oo Ka Dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qarax is-miidaamin ah uu ka dhacay agagaarka Jaalle Siyaad.

  • Soomaliya

    09-07-2025

  • 01:17PM