Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax culus ayaa maanta oo Arbaco ah waxa uu ka dhacay meel ku dhaw xarunta Madaxtooyadda Villa Somalia, kaasoo geystay khasaarooyin isagu jira dhimasha iyo dhaawac.

Xildhibaan C/risaaq Maxamed, oo horey dowladdii Xasan Sheekh usoo noqday Wasiirka Amniga ayaa xaqiijiyay in Labo Xildhibaan ay orod ku galeen Gurigiisa oo ku dhaw meesha uu qaraxa ka dhacay, iyagoo naftooda la baxsanaya.

C/risaaq ayaa sheegay in Xildhibaanadan oo kala ah C/kariin Aw Cali Shabeel iyo Maryan Cariif ay bad-qabaan, balse mid kamid ah ilaalada Maryan Cariif uu ku geeriyoodey qaraxa, iyadoo mid kale loola cararay Isbitaal.

Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa loo adeegsaday Gaari walxaha qarxa lagu soo xiray, ayaa lala eegtay bar-koontarool oo ku dhaw xaruntii hore ee Baarlamaanka, oo aan ka fogeyn aqalka Madaxtooyadda.

Qiiq iyo Uuro ayaa cirka isku shareeray qaraxa kadib, iyadoo la maqlay rasaas xooggan oo loo maleynayo inay ridayeen ciidamada booliska ee ku sugan barta Koonatarool.

Warar aan si rasmi ah loo xaqiiin ayaa sheegay in hal Xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya uu ku dhaawacamay weerarka, oo mas'uuliyadiisu sheegatay Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM