Qaraxyo ka dhacey Ceel-waaq iyo wararkii ugu dambeeyay

Image
Image

CEEL WAAQ - Ugu yaraan labo qof ayaa kuu geeriyootey, lix kalena way ku dhaawacmeen labo qarax oo ka dhacay magaalada Ceel-waaq ee gobolka Gedo, maanta oo Khamiis ah.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online in qaraxyada lala eegtay Makhaayado Shaah lagu iibiyo oo ku yaala meel ku dhow Saldhiga Booliska degmada, halkaasi oo ay inta badan fariistaan Askarta dowladda Soomaaliya.

Labada qarax ayaa loo adeegsaday miinooyin lagu aasay Makhaayadaha xalay markii laga hoyday, kadibna saaka lagu qarxiyay Ramote-control-ka meelaha fog laga hago.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa, balse, kooxda Al-Shabaab ayaa looga bartey inay ka fuliso degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka dalka inay ka fuliyaan falalka noocaan ah.

Mas'uuliyiinta degmada iyo kuwa gobolka ayaa ku eedeeyay inay Qaraxaan ka dambeysay Al-Shabaab, iyaga oo tibaaxey inay sameynayaa baaris ku saabsan qaabka uu qaraxu udhacey iyo waxa dhaliyey.

Gobolka Gedo oo hoos-yimaada maamulka Jubbaland ayaa kamid ah meelaha ay ka fuliso kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida falalka noocaan ah, inkastoo dhowaanahan aanan lasoo warin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM