Qaraxyo culus oo ruxay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dhawaqa saddex qarax culus oo loo maleynayo in uu ka dhasheen gaari ayaa gilgilay magaaladda Muqdisho, caasimadda Soomaaliya, duhurnimadda maanta oo Sabti ah.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in qaraxa koowaad uu ka dhacay nawaaxiga isgoyska sida weyn loo ilaaliyo ee Sayidka halkaasi oo kamid ah meelaha laga sugo amniga Madaxtooyadda.

Rasaas teel-teel ah ayaa laga maqlay aaga ay wax ka dhaceen oo ay kusii qul-qulayaan gaadiidka gurmadka degdeg ah si ay soo qaadaan dadka ay waxyeeladu soo gaartay.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo sheegayaa in uu geystay weerarkan wallow illaa iyo haatan aanan la ogayn tirada saxda ah ee wax ku noqotay dhacdadani.

Ma jirto koox ilaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyada qaraxani balse dhacdooyinka noocaan ah waxaa looga martay dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab.

Qaraxani ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyada oo bishii lasoo dhaafay ee Ramadaanta ay magaalada xasilooneyd wallow ay ka dhacayeen falal dil ah oo qorsheysan.

Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay ayaa waxaa horaantii sanadkan lagu xusay in kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida ay bedashay xeelada isla markaana qaraxyada ay gudaha caasimada ku farsameyso.

Qormadda ayaa ka digtay weeraro horleh ooo ay sanadkan kooxda ka fuliso magaalada Muqdisho, waxayna ku tartarsiisay dowlada in ay la timaado qorsheyaal ay uga hortageyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM