Qarax dhimasho sababay oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidanka Booliska Soomaliya ayaa ku dhintey, labo kale way ku dhaawacmeen Qarax miino uu ka dhacey Isgoyska Ex-kontarool Afgooye ee duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garaowe Online, ayaa sheegay in Qarax uu ahaa Miino taasi oo lagu aasey meel ku dhow goob ay lacago kaga qaadaan ciidamada Gaadiidka isaga kala gooshta Muqdisho iyo degmada Afgooye, ee gobolka Shabeellaha.

Isgoyska Ex-kontarool Afgooye oo ah mid mashquul badan ayaa isku xira degmooyinka Dayniile, Dharkenley, Kaxda, Hodan iyo gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana halkaasi fariisin ku leh ciidamada dowladda oo Kastam Canshuuro lagu qaado u ah.

Kooxda xiriirka la leh Shabakada Al-Qaacidda ee Al-Shabaab ayaa dhabarka saaratey mas'uuliyadda weerarka, kaasoo kusoo aadaya xili ay kordhayaan falalka noocaan ah, oo inta badan ka dhaca caasimadda dalka.

Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho in Askarta labada ah ee ku dhaawacantey Qaraxa loola soo cararey goobaha caafimaadka ee ku yaalla Muqdisho, si loogu daweeyo.

Horaantii isbuucaan ayey ahayd markii Qarax ka dhacey wadada xeebta ah ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Marka lagu diley 8 kamid ah Askarta dowladda, tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Gudaha Muqdisho, todobaadkan waxaa Isgoyka Dabka ka dhacay qarax kaasoo ka dhashay miino lagu xiray gaari oo leeyahay Prof Yaxye Sheekh Caamir, balse badbaaday dhacdadaasi, isagoo ku waayay nin la dhashay oo gaariga wadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM