Qarax dhimasho iyo dhaawac sababey oo ka dhacey duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO - Ugu yaraan Labo qof oo shacab ah ayaa ku dhimatay tirro kalena dhaawac ayaa kasoo gaarey Qarax Miino oo ka dhacay duleedka magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, galab-nimadii Talaadada ahayd, sida ay Garowe Online u sheegeen goobj-joogayaal.

Qaraxa oo lala beegsaday Gaari nooca raaxadda ah ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Jamaacadii hore ee Lafoolle iyo Buunda Carbiska ee duleedka magaalo madaxda dalka Soomaaliya, inkasta oo cida saarneed Baabuurka ay kasoo baxayaan warar kala duwan.

“Qaraxa wuxuu ahaa mid aad u culus, baabuur nooca raaxadda ah ayaa lala beegsaday. Labo qof oo meyd ah ayaan arkay, dad kale oo dhaawac ah,” sidaasi waxaa Telafoonka ugu sheegay Warsidaha Garowe Online, qof kamid ah dadka degaanka meesha ay wax ka dhaceen.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarkaan, balse, kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh shabakadda Al-Qaacida, ayaa falalka noocaan ah ee amniga liddiga ku ah ka fuliya degaano iyo degmooyin ka tirsan dalka Soomaaliya, kuwaasoo dhaliya khasaaro kala duwan.

Qaraxaan ayaa wuxuu dhacayaa xili dalalka Islam-ka shalay iyo maanta looga dabaal-degayo munaasabadda Ciidul Adxaa.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM