Qarax dhimasho sababay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan Lix ruux ayaa ku geeryootay kadib markii qarax culus uu ka dhacay duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho, maanta oo Axad ah, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga.

Goobjooge ayaa sheegay inay arkey afar meyd oo askari dowladda ah iyo labo ruux oo shacab ah, kuwaasi oo ku dhintay Qaraxa oo ahaa Miino wada dhinaceeda la dhigay.

Gaariga qaraxa lala beegsaday oo ay la socdeen ciidamada dowladda ayaa ahaa nooca loo yaqaano Cabdi Bilaha, kaasi oo weerarkaan la kow-saday xili ay marayeen degaanka Siinka Dheere ee duleedka magaalo madaxda dalka.

Ma jirto koox dhabarka saaratay masuuliyadda weerarkani, inkasta oo dhacdooyinka noocaan ah ee ka dhaca gudaha, daafaha iyo duleedka Muqdisho looga bartay xoogaga Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii weerar kan lamid ah oo ka dhaca meel ka baxsan tuulada Dhanaane oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay Labo sarkaal oo sare iyo Todoba askar oo ilaalo u ahayd.

Saraakiisha la dilay oo kala ahaa Taliyihii iyo Abaanduulihii qayba 12-ka April ee ciidanka xooga dalka Soomaaliya, kuwaasi oo uu MIlatariga dalku ka dhawaajiyay inay qaadi doonan guluf aargoosi oo ka dhan ah Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM