Qarax gaari la rakibay oo ka dhacey bartamaha magaalada Muqdishu

Image

22 August, 2015 (GO)- Qarax ka dhashey gaari goobta la dhigey ayaa ka dhacey abaarihii makhribkii magaalada Muqdisho halka loo yaqaan isgoyska Juba halkasso la sheegayo in dad rayid ah waxyeelo kasoo gaartey.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee qaraxaas balse warar ayaa sheegaya in ciidamada amniga rumeysan yihiin gaarigaan in muddo ah goobtaas yaaley.

Goobta qarax ka dhacey ayaa waxaa mara gadiid rayidka ah iyo kuwa dowlada Federaalka iyadoo iminka ciidama amniga joogaan halkaas.

Qaraxaan ayaa kusoo beegmaya kadib markii maanta qarax is-miidaamin ah ka dhacey xero ciidamada lagu tababaro halkaasoo ku dhinteen 15 askari halka 20 kale ku dhaawacntey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM