Qarax gaari oo dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari oo fiidnimadii Khamiista caawa ah ka dhacay isgoyska KM 4 ee magaaladda Muqdisho.

Illo wareedyo dhinaca amaanka ah ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in qaraxa uu ka dhashay walxo qarxa oo lagu soo xiray gaariga nooca raaxada ah.

Dab xoogan ayaa qabsaday gaariga isla markii uu qaraxu dhacay, balse kooxda dab-damiska ayaa ku guuleystay in ay damiso.

Ugu yaraan hal ruux oo ah qofkii gaariga watay ayaa ku dhaawacmay qaraxa, kaasi oo loola cararay goobaha caafimaadka.

Ciidamada amaanka oo goobta soo gaarey ayaa daqiiqado hakad geliyay isu socodka gaadiidka iyo dadwaynaha, balse mar dambe dib u furey

Wali ma cadda waxa uu yahay shaqsiga gaariga saarnaa, kaasi oo dhakhaatiirta ay sheegayaan in dhaawaciisa uu aad u culus yahay.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda dhacdadaan, balse Al-Shabaab ayaa falalka noocan ah ka geysta caasimadda.

Habeenkii Talaadada ayay ahayd markii qarax gaari lagu soo xiray lagu dhaawacay sarkaal ka tirsan hay’adda dambi baarista Soomaaliya.

Arrimahaan ayaa kusoo aadaya iyadoo ciidamada xoogga oo ka cabanaya mushahaar la’aan ay soo faarujiyeen furumahii ay joogeen, iyadoo dowladda ku dadaalayso sidii ay dib ugu celin lahayd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM