Qarax Gaari oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Image

CEELASHA BIYAHA, Soomaaliya - Qarax gaari ayaa maanta ka dhacay duleedka Muqdisho, kaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan labo qof, iyadoo qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Goob-jooge, ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay qaraxa, kaasi oo uu sheegay inuu ka dhashay Gaari nooca HARRIER-ka, oo lagu soo xiray walxaha qarxa.

Gaarigan wuxuu ku qarxay deegaan ku dhaw Ceelasha Biyaha, oo dhanka Afgooye ka xiga oo lagu magacaabo Mire Indhoyare.

Ciidamada dowladda ayaa ku baxay goobta, kadibna kasoo qaadey meydadka iyo dhaawacyada, oo uu ku jiro Meydka ninkii watay Gaariga, sida dadka halkaasi ku nool ay xaqiijiyeen.

Lama oga bartilmaameedka gaarigan, balse warar ayaa sheegaya inuu kusoo jeeday magaalada Muqdisho, waxaana looga shakisan yahay inay ka dambayso Al Shabaab.

Dhanka magaalada Muqdisho, waxaa lagu qabtay maanta Isgoyska Dabka Gaari HOMY ah, oo qarax looga shakiyay inuu qarax ku xirnaa. Saraakiisha amniga ayaa tagey goobta, oo gaarigiisa la wareegay.

Muqdisho ayaa kasoo kabanaysa hadda Qaraxii Zoobe 14kii October, oo ay ku dhinteen in ka badan 300 oo qof, kaasi oo noqday mid bedelay Taariikhda dalka, isagoo sidoo kale mideeyay shacabkia guud ahaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM