Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho [Fahfaahin + Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa saaka oo axad ah ku waaberisay qarax culus, oo laga maqlay qeybo badan oo magaalada kamid ah, kaasoo lagu weeraray xarun maamul.

Gaari walxaha qarxa lagu soo xiray ayaa ku qarxay afaafka xarunta maamulka degmada Howlwadaag, iyadoo ay xigtay rasaas xooggan oo mudo daqiiqado ah socotay, taasoo ay rideen ciidamada ilaalada ah.

Xarunta la weeraray ayaa ku taalla inta u dhaxaysa Isgoysyada Sayidka iyo Howlwadaag, wadada ka timaada dhanka dhisamaha Baarlamaanka [Gollaha Shacabka], oo ah meel amnigeeda aad loo adkeeyo.

Qiiq iyo uuro cad ayaa cirka isku shareeray oo kasoo baxayay goobta uu qaraxa ismiidaaminta ah ka dhacay, waxaana halkaasi gaarey gaadiidka Ambulance-ka, oo dhaawacyada u qaadey Isbitaallada.

Wali lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa gaari, balse wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inay ku dhinteen dhowr qof oo isagu jira Askar iyo ninkii wadey gaariga qarxay.

Wararka ayaa sheegaya in khasaaraha ay kamid yihin caruur kadib markii uu kusoo dumay iskuul ka dhawaa xarunta degmada.

Sidoo kale, ma jirto cid sheegataya mas'uuliyadda weerarka saaka, balse waxaa loo maleynayaa inay ka dambeyso kooxda A-Shabaab, oo dagaal kula jirta dowladda Soomaliya iyo ciidamada AMISOM.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli amniga Caasimadda dhawaan lagu wareejiyay Ciidamada booliska dowladda Federaalka, kadib markii uu fashil weyn ku yimid qorshihii amniga Ra'iisul Wasaare Khayre.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM