​Qarax hotel Dayax oo lagu dilay in kabadan 10 ruux [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Kooxda Al shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyada weerarka ka dhacay Dayax hotel ee magaalada Muqdishu, kaasi oo ay ku dhinteen in kabadan 10 ruux, oo u badan dad shacab ah.

Al shabaab ayaa sheegtay in weerarka ay fuliyeen labo qof oo walxaha qarxa isku soo xiray, kuwaasoo watay labo gaari oo mid kamid ah uu ahaa nooca Xamuulka qaada kaasoo lagu qarxiyay iridda hotelka.

Sarkaal katirsan Booliska Somalia ayaa u sheegay GO in dadka ku dhintay weerarka ilaa hadda si rasmi ah loo ogeyn, balse uu arkay meyd ruux oo Gaadiidka Gurmadka ah goobta ka qaadeen.

Wuxuu sheegay in ugu yaraan 30 ruux, oo 3 kamid ah ay yihiin Sawir-qaadiyaal ka katirsan AFP, AP iyo Al Jazeera ay ku dhaawacmeen qaraxyada, islamarkaana la geeyay Isbitaallada magaalada.

Khasaaraha ayaa laga cabsi qabaa inuu intaasi kasoo kordho, maadaama ay jiraan dad ay soo gaareen dhaawacyo culus, sida ay noo sheegeen qaar kamid ah Howlwadeenada caafimaadka ee Isbitaalka Madiina.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Xildhibaano kasoo jeedo Koonfur Galbeed oo gaaraya 7 ay ku dhaawacmeen weerarka Hotel Dayax.

Waa weerarkii labaad oo Al shabaab ka fuliso Muqdishu Bishan Gudaheeda, xilli la isu diyaarinayo doorashada Madaxweynaha Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM