Is-miidaamin ay haweenay fulisay oo lagu dilay taliye ka tirsanaa NISA

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hal qof oo ah sarkaal ka tirsanaa Hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa ku naf-waayey qarax is-miidaamin oo barqanimadii maanta ka dhacay magaaladda Muqdisho.

Illo wareedyo ayaa u xaqiijiyey Garowe Online in weerarka oo ay fulisay haweenay nafteed-haligto ah uu ka dhacay agagaarka isgoyska Black Sea gaar ahaan sarta Daalo ee degmadda Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Cabdinaasir Maxamuud, oo kamid ah goobjoogeyaal la hadlay GO, ayaa tibaaxay in haweenayda ay si gaar ah u beegsatay sarkaalka oo magaciisa lagu soo koobay Caano-geel kamid ahaa xubnaha dhar-cadka ee NISA.

"Aniga waxaan indhaheyga ku arkay jirka go' go'ay ee haweenayda. Laakiin ma aanan aqoonsan wejigeeda," ayuu yiri Cabdinaasir. "Waxaan durba meesha yimid ciidamadda kuwaasoo saacado hakad geliyey socodka".

Saraakiil u waramay GO ayaa tibaaxay in Caano-geel uu qeyb ka ahaa howlgalo dhowr ah oo lagu beegsaday, lagu soo qabtay laguna dilay horjoogeyaal badan oo kamid ah xoogaga gacansaarka la leh ururka Al-Qaacida.

Maleeyshiyaadka argagixisadda ah ee Al-Shabaab oo dusha saaratay mas'uuliyada falkaas ayaa waxay tibaaxeen in ay ku dileen Caano-geel oo ay ku qeexeen "taliye sarre" iyo laba askari kale oo ilaalo u ahaa sarkaalkas.

Warar aan si rasmi ah la xaqiijin ayaa sheegay in Caano-geel uu kamid ahaa xubnaha kasoo goostay dagaalameyaasha xagjirka ah ee Al-Shabaab lana shaqeynayey sirdoonka Soomaaliya.

Bishii hore ee September 2-deeda ayay ahayd markii qarax is-miidaamin oo ka dhacay baar ku dhow kontarool laga ilaaliyo amniga Villa Soomaaliya, waxaana fuliyey ruux naftii-halige ahaa. Saddex shacab ayaa ku dhintay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM