Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Baardheere iyo wararkii ugu damabeeyay

Image

BAARDHEERE, Somalia - Qarax culus, oo ismiidaamin ahaa ayaa ka dhacay maanta oo Sabti ah magaaladda Baardheere, ee gobolka Gedo, kaasoo lala eegtay saldhig military.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inay ka dambeysay weerarka, oo uu fuliyay naftii-hurre watay Gaari lagu soo xiray walxaha qarxa, kaasoo lala eegtay saldhig ciidamada Itoobiya ku leeyihiin meel ku dhaw Garoonka diyaaradaha magaaladda.

Al-Shabaab ayaa intaasi ku dartay in qaraxa ismiidaaminta ay ku dhinteen 16 Askari oo Itoobiyaan ah, inkastoo aysan jirin warar madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashadeeda.

Magaaladda Baardheere waxaa laga saarey Al-Shabaab July, 2015, iyadoo wixii markaas ka dambeeyay ay maamulayeen ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Itoobiya, oo amaanka sugaya.

Wixii kusoo kordha qaraxa, kala soco wararkeena dambe.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM