​Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Beledweyne

Image

BELEDWEYNE, Somalia - Qarax xooggan oo Ismiidaamin ah ayaa goordhaw ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan oo ku yaalla bartamaha dalka Somalia.

Goobjoogiyaal ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay qaraxa, oo ay sheegeen inuu fuliyay nin isku soo xiray walxaha qarxa, kaasi oo isku qarxiyay afaafka xarunta maamulka gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in naftii-hurahan uu bartilmaameedsaday dad shacab ah, oo fadhiyay goob Makhaayad ah, oo dhowr Tallaabo u jirta irida dhisamaha uu degan yahay gudoomiyaha gobolka.

Wali ma cadda khasaaraha ka dhashay weerara ismiidaaminta ah, oo noqonaya midkii ugu xooggaana oo dhawaanahan ka dhaca Beledweyne, oo 350KM waqooyi uga beegan Muqdishu.

Fahfaahinta qaraxa, kala soco wararkeena dambe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM