Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Kismaayo

Image

KISMAAYO, Somalia - Qarax xooggan, oo noociisu yahay Ismiidaamin ayaa goordhaw waxa uu ka dhacay magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Goobjoogiyaal ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasi oo lagu weeraray Makhaaxi lagu magacaabi Shaah-Macaan, oo ku taalla nawaaxiga Xarunta Barlamanka Jubbaland. 

Qaraxa oo ahaa mid aad u culus oo jugtiisa laga maqlay guud ahaan Kismaayo, ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu sababay khasaaro lixaad leh, oo soo gaarey dadkii shacabka ahaa ee ku sugnaa Makhaayada, oo inta badan fariistaan Odayaal, dhalinyaro iyo Askarta Jubbaland.

Wararka qaar ayaa sheegaya in nin isku soo xiray walxaha qarxa uu fuliyay weerarka.

Wali lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ee qaraxa, balse Ciidamada ammaanka maamulka Jubbaland ayaa gaarey goobta, waxaana ay afarta jiha u rideen rasaas aad u xoogan, iyadoo gaadiidka Gurmadka ee Ambalaaska ay dhaawacyada iyo meydadka ula carareen Isbitaalka Kismaayo.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Jubbaland oo ku aadan qaraxa, kaasi oo aan jirin cid sheegatay Mas'uuliyadiisa.

Fahfaahinta qaraxa, kala soco wararka dambe ee Garowe Online.

GAROWEONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM