Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacey duleedka magaalada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Qarax Ismiidaamin ah ayaa ka dhacay duleedka magaalada Muqdishu, ee caasimda dalka Soomaaliya.

Wararka kala duwan ayaa kasoo baxaya Qaraxa oo ka dhacay Wado ku taalla Deegaanka Siinka-Dheer, oo qiyaastii 18KM dhanka Waqooyiga Galbeed uga beegan Muqdishu.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Qaraxa oo loo adeegsaday Gaari nooca HOMY ah oo lagu soo xiray walxaha qarxa lagu weeraray ciidamada Alpha Group ee katirsan NISA.

Sarkaal katirsan NISA ayaa GO u sheegay in ay fashiliyeen Qarax Gaari oo kusoo jeeday Muqdishu, kaasi oo uu watay nin Naftii hure ah, oo kamid ah Al shabaab.

Wali ma cadda Khasaaraha rasmiga ah ee Qaraxa, balse warar hordhac ah oo GO helay ayaa sheegaya in ugu yaraan 2 ruux ay ku dhimatay, 3 kalena ay ku dhaawacmeen.

Faahfaahin dambe kala soco warsidaha Garowe Online.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM