Qarax Ismiidaamin oo ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya  - Gaari laga soo buuxiyay waxyaabo qarxa, oo uu la socday qof naftiise hure ahaa ayaa lagu waramayaa inuu ku qarxay Albaabka laga galo xarunta degmadda Howlwadaag ee magaaladda caasimada ah ee Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen sarakiisha amaanka.

Qaraxa oo jugtiisu ahayd mid aad u culus ayaa waxaa laga maqlay qaar kamid ah xaafadaha caasimadda Soomaaliya, waxaana la sheegayaa inuu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo aanan la hubin tiradda saxda ah.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa kusii qulqulaya halka ay wax ka dhacayn, iyaga oo kasoo daabulaya dhaawacyo isugu jira Askar iyo shacab, kuwaasoo weerarkaan wax ku noqday.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarka, balse, kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan falalka noocaan ah ee ka dhacay Magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho dhabarka saarta.

Fahfaahin dheeraad ah, kala soco Garowe Online.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Elon Musk oo ku baaqey in la Xiro Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Baalle

Abukar Dahir Osman ayaa la wareegay madaxtinimada wareegta ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 1-da Janaayo 2026.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 06:54PM

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM