Qarax ka dhacay Baardheere iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

BAARDHEER, Soomaaliya - Qarax miino ayaa saacadihii hore ee maanta oo Arbaco ah lagula eegtay ciidamada Itoobiya gudaha degmada Baardheere, ee gobolka Gedo.

Mas'uul katirsan booliska, oo la hadlay warsidaha Garowe Online ayaa xaqiijiyay qaraxa oo uu sheegay inuu haleelay Kolonyo ay wateen ciidamada Itoobiya meel ku dhaw saldhigga ay degmada ku leeyihiin.

Mid kamid ah gaadiidka ciidamada, oo la sheegay inuu ahaa Booyad biyaha qaada ayuu haleeyay qaraxa, waxaana Askarta ay rideen rasaas dhowr jiho, iyadoo ay waxyeellada ay geysatay aan wali la shaacin.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in qaraxa saaka ee degmada Baardheere ay ku dishay dhowr Askari oo Itoobiyaan ah, balse ma jiraan illo kale, oo ka madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashadeeda.

Waxaa Baardheere ka dhacay bishan horaanteedii weerar Ismiidaamin ahaa, oo lagu weeraray saldhiga ciidamada Itoobiya ee Baardheere, waxaana ka dhashay khasaarooyin isagu jira dhimasha iyo dhaaawac.

Ciidamada Itoobiya ayaa ka howlgala degmooyinka gobolka Gedo, iyagoo ka gacan siinaya ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland howgallada Al-Shabaab looga saarayo degaanada ay gacanta ku hayso.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM