Qarax ka dhacay Baydhaba iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Fahfaahino dheeri ah ayaa laga helayaa qaraxyo ka dhacay magaaladda Baydhabo ee xarunta KMG maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga.

Ugu horeyn, qarax Miino oo lala beegsaday shacab ku sugnaa Goob ay kusoo bandhigayeen ciyaar Dhaqameed oo ku taala xaafada Degaan-dega ee caasimad goboleedka Bay, waxaana ku dhimatay 2 ruux, iyadoo ay ku dhaawacmeen 13.

“Qaraxa waxaa uu ahaa Miino bartamaha meesha wax lagu soo bandhigayay lagu aasay. Dadka meesha joogay oo soo bandhigayay ciyaar dhaqameed waxay isugu jireen Rag iyo Dumar,” ayuu yiri goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online.

Dhanka Kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay in qaraxa ay ciidamo ka tirsan dowladda kula beegsatay xaafada Hareri-kadiyow ee isla Baydhabo inay ku dishay afar kamid ah milatariga Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta amniga oo labadaan qarax ka hadlay waxay ka gaabsadeen inay tafaasiil dheeri ah ay bixiyaan khasaraha, balse, waxay carabka ku dhufteen inay ku gudajiraan baaritaan la xiriira dhacdooyinkan.

Qaraxyaddani ayaa kusoo aadaya iyadoo Koonfur Galbeed ay yeelatay dhawaan Madaxwayne cusub, kaasoo lagu magacaabo Cabdicasiis Lafta Gareen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM