Qarax ka dhacay Beledweyne iyo wararkii ugu dambeeyay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Ugu yaraan labo qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay magaalada Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan.

Saraakiil boolis oo la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa miino lagu aasay gudaha Guriga uu bariga Beledweyne ka degan yahay gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cumar Aadan Ibraahim Baadiyow.

Wararka ayaa sheegay in guriga uu ka maqnaa Cumar Baadiyow xilliga qaraxa, waxaana labada ruux ee dhaawaca uu kasoo gaarey falkan ay yihiin shacab, oo midkooda tahay gabar yar oo katirsan qoyska mas'uulkan.

Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax, oo kamid ah saraakiisha ciidanka xoogga gobolka ayaa sidoo kale qeyb ka deganaa dhismaha la qarxiyay, oo ku yaalla meel ku dhaw xarunta maamulka gobolka Hiiraan, oo amnigeeda aad loo adkeeyo.

Sawirro laga soo qaadey goobta ayaa muujinaya gawaari nooca raaxadda ah, oo gubatey kuwaasoo la sheegay inay yihiin gaadiidka Gudoomiyihii hore ee gobolka iyo mas'uulka kale ee la degan.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa miino, oo u muuqday mid la doonayay in lagu khaariyo Cumar Baadiyow, iyadoo saraakiisha amniga wali aysan fahfaahin ka bixin dhacdadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM