​Qarax ka dhacay deegaanka Ari-cadeeye oo ku dhow Laascaano

Image

LAASCAANO, Somalia-  Qarax Bambaano oo ak dhacday deegaanka Ari-cadeeye oo 30-KM dhanka Waqooyi ka xigta xarunta gobolka Sool ee Laascaanood, ayaa sababtay dhimashada hal qof iyo dhaawaca 17 kale, kuwaasoo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo gudaha xarunt gobolkaas.

Qofka ku dhintay qaraxa ayaa ahayd Gabar yar oo markii hore dhaawac soo gaaray, waxaana dadka dhibaataysan ee dhaawaca ah u badanyihiin Dumar iyo Carruur kuwaasoo iminka loo shubayo halka qaybtood adeegyo caafimaad lagu gaarsiiyay MCH-ka Adhicadeeye iyo Cusbitalka Guud ee Laascaano.

Deegaankan waxaa bur-burkii dowladdii dhexe  ee Somalia kadib ka dhacay dagaallo sokeeye iyo kuwo u dhaxeeyay maamullada Puntland iyo Somaliland, waxaana loo aanaynayaa in haraadiga hubkii la is-weydaarsanayay uu sababay in hub badan dhulka ku duugmo.

Taliyaha Booliiska ee gobolka Sool ee Somaliland Khaliif Maxamed Xirsi oo VOA waraysi siiyey ayaa sheegay inay ka shaqaynayaan sidii looga fogaan lahaa masiibadan oo kale inay ka dhacdo deegaanka.

Khaliif ayaa xusay inay bilaabi doonaan qorshe dhulka looga sifaynayo haraadiga Hubka ee inta badan qaraxyadu ka dhashaan.

Taliyaha oo wax laga weydiiyay sababta keentay in hal mar intaas oo qof dhibaato kasoo gaarto qaraxa, wuxuuna xusay in dadku meesha fadhiyeen islamarkaana ku qasheen Neef Ariya.

Somalia oo dagaalo badan ay ka dhacayeen soddonkii sanoo ee u danbaysay waxaa weli deegaano ka badan yaal haraadigii waxlaxaha qaraxa kuwasoo dhibaatada ugu badan ay ka soo gaarto carruurta,dumarka iyo xoolaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM