​Qarax ka dhacay deegaanka Ari-cadeeye oo ku dhow Laascaano

Image

LAASCAANO, Somalia-  Qarax Bambaano oo ak dhacday deegaanka Ari-cadeeye oo 30-KM dhanka Waqooyi ka xigta xarunta gobolka Sool ee Laascaanood, ayaa sababtay dhimashada hal qof iyo dhaawaca 17 kale, kuwaasoo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo gudaha xarunt gobolkaas.

Qofka ku dhintay qaraxa ayaa ahayd Gabar yar oo markii hore dhaawac soo gaaray, waxaana dadka dhibaataysan ee dhaawaca ah u badanyihiin Dumar iyo Carruur kuwaasoo iminka loo shubayo halka qaybtood adeegyo caafimaad lagu gaarsiiyay MCH-ka Adhicadeeye iyo Cusbitalka Guud ee Laascaano.

Deegaankan waxaa bur-burkii dowladdii dhexe  ee Somalia kadib ka dhacay dagaallo sokeeye iyo kuwo u dhaxeeyay maamullada Puntland iyo Somaliland, waxaana loo aanaynayaa in haraadiga hubkii la is-weydaarsanayay uu sababay in hub badan dhulka ku duugmo.

Taliyaha Booliiska ee gobolka Sool ee Somaliland Khaliif Maxamed Xirsi oo VOA waraysi siiyey ayaa sheegay inay ka shaqaynayaan sidii looga fogaan lahaa masiibadan oo kale inay ka dhacdo deegaanka.

Khaliif ayaa xusay inay bilaabi doonaan qorshe dhulka looga sifaynayo haraadiga Hubka ee inta badan qaraxyadu ka dhashaan.

Taliyaha oo wax laga weydiiyay sababta keentay in hal mar intaas oo qof dhibaato kasoo gaarto qaraxa, wuxuuna xusay in dadku meesha fadhiyeen islamarkaana ku qasheen Neef Ariya.

Somalia oo dagaalo badan ay ka dhacayeen soddonkii sanoo ee u danbaysay waxaa weli deegaano ka badan yaal haraadigii waxlaxaha qaraxa kuwasoo dhibaatada ugu badan ay ka soo gaarto carruurta,dumarka iyo xoolaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM