Qarax ka dhacay degmada Berdaale iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

BERDAALE, Soomaaliya - Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyoodey, lix kalena way ku dhaawacmeen qarax xoog leh oo maanta oo sabti ah ka dhacay degmada Berdaale ee gobolka Baay.

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay ciidamo katirsan kuwa Daraawiishta maamulka Koonfura Galbeed Soomaliya oo ku safraya duleedka degmada, waxaana la xaqiijiyay in ninka ku dhintay weerarka uu kamid ahaa gollaha degaanka Berdaale.

Mas'uulka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Falaar Liibaan Nuur, iyadoo dadka dhaawacmen ay isagu jiraan saraakiisha iyo askar la socotay kolonyada qaraxa miino lala eegtay.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka degmada Berdaale, oo qiyaastii 25-KM u jirta magaallada Baydhabo, ee xarunta gobolka Baay, taasi oo gacanta ku hayaan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Qatar oo Xoojiyay Xiriirka Difaaca Kadib Khilaafka Imaaraadka

SONNA ayaa sheegtay in heshiiskan uu diiradda saarayo xoojinta iskaashiga difaac, horumarinta hannaanada isku-dubaridka amniga.

  • Soomaliya

    20-01-2026

  • 05:07AM

Xildhibaano Soomaaliyeed oo laga qaadey xayiraad ka saarnayd EALA

Sidoo kale, dhaliilaha ayaa tilmaamay in Baarlamaanka Federaalka uu ka booday xeerarka magacaabista.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 02:41PM