Qarax ka dhacay duleedka Afgooye iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

AFGOOYE, Soomaaliya - Fahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxay qarax nooca Miinada ah oo Askar ka tirsan ciidamada dowladda lagula eegtay duleedka magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, Koonfurta Soomaaliya.

Illo wareedyo dadka degaanka ah ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in qaraxa lala beegsadey Gaari nooca Cabdilaha loo yaqaano, kaasi oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan Milatariga dalka.

Inta la xaqiijiyay Hal Askari oo kolanyadda la socdey ayaa ku dhintay, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale, kuwaasoo dhaawacyadooda loola soo cararey Isbitaalada si loogu daaweeyo.

"Qaraxa wuxuu ahaa mid ay Jugtiisu cusleyd...Haa, duleedka Afgooye ayaa ciidamo dowladda ka tirsan oo dhanka magaalada kusoo wajahnaa lagula beegsadey," ayuu yiri Goobjooge lagu magacaabo Maadey.

Dagaalamayaasha hubeysan ee Al-Shabaab ayaa dhabarka saartey masuuliyadda weerarkaan, iyaga oo afka ku balaariyey inay ku dileen tiro ka tirsan Askarta dowladda, inkasta oo aysan cayimin.

Wadada isku xirta degmada Afgooye iyo degaanada kale ee Koonfur Galbeed ayaa inta badan waxaa weeraro noocaan ah lagula beegsadaan Askarta dowladda, taasoo khasaarooyin kala duwan dhalisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM