Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan hal askari ayaa lagu dilay, labo kale way ku dhaawacmeen markii Miino ay kula kacday gaari Cabdi Bile ah oo ay saarnaayeen meel ku dhow kontaroolka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho, maanta oo Talaado ah.

"Walxo qarxa oo wadada dhinaceeda la dhigay ayaa haleeshay gaariga markii uu marayey aaga Jamaacada Shabeelle, labo askari ayaa ku dhaawacantay, midna waa uu ku dhintay," ayuu yiri Goobjooge u waramay Garowe Online.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaan uusan wali ka hadlin taliska ciidamada milatariga.

Shalay ayey ahayd markii degaanka Lafoole oo ka tirsan Xaawa Cabdi ee duleedka magaaladda Muqdisho lagu dilay sagaal ruux oo shacab ah, kuwaasi oo isugu jiray lix dumar ah iyo 3 rag ah.

Wasaarada amniga iyo Taliska Booliska oo si adag u cambaareeyay falkaan ayaa faray laamaha amaanka in lasoo qabto ragii ka dambeeyay dilka muwaadiniintaasi.

Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyay dhacdadaasi argagax leh ee lagu laayey dadkaasi ka shaqeynayey nadiifinta wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, taasi oo dib-u-dayactir lagu bilaabayo dhowaan.

Mashruuca lagu dhisayo jidkaasi oo uu dhagax-dhigay Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa waxaa maal-gelineysa dowlada Qadar, iyada oo ay dhiseyso shirkad laga leeyahay dalka Turkiga.

Amniga wadada xiriirisa caasimada Soomaaliya iyo Afgooye ayaa ah mid liita iyada oo had iyo goor weerar jidgal ah iyo kuwa qaraxyo ah lagula beegsado gaadiidka askarta dowlada iyo mas'uuliyiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM