Mas'uul ka badbaaday qarax ka dhacay magaaladda Muqdisho

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax jugtiisa si weyn looga maqlay qaybo kamid ah caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa la xaqiijiyey in uu fiidninimadii Sabtida, 7-da November, 2020 uu ka dhacay isgoyska Sayidka.

Sidda ay warsidaha warsidaha Garowe Online u sheegeen saraakiil amni, qaraxa waxaa uu ka dhashay walxo qarxa oo lagu soo qariyey bac lana dhigay maqayad kasoo horjeeda Hotel Dayax.

Saraaiisha amniga ayaa xaqiijiyey in xilliga uu qaraxu dhacayey uu goobta marayay gaari uu la socday Senator Cusmaan Xaaji Maxamuud [Dufle] oo ka tirsan Aqalka Sarre ee baarlamaanka Soomaaliya.

Lama ogga hadii bartilmaameedka uu Xildhibaanka ahaa ama in ay isku soo beegmeen dhacdada iyo socdaalka sharci-dejiyaha oo kamid ah dhakhaatiirta caasimadda Soomaaliya.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas. Balse, dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa looga bartay falalka noocaan ah ee ka dhaca magaala madaxda dlka dhaca Geeska Afrika.

Bishaan November, 5-teeda ayay ahayd markii Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda Soomaaliya, Duraan Axmed Faraax, uu isgoyska Muqdisho kaga badbaaday qarax Miino oo lala eegtay baabuurkiisa.

Laba ruux iyo askari kamid ahaa ilaalada mas'uulka ayaa ku dhaawacmay falkaas oo yimid iyaddoo Wasiirada ay maalintaas soo gabagbeeyeen shir banbax ah oo ay ku yeesheen huteel ku dhex yaala garoonka Aadan Cadde.

Caasimada Soomaaliya ayaa martigelineysa weeraro xilli ay doorashada soo dhowaatay. Amniga waa kamid ah caqabadaha xalka aan loo helin ee wali muuqda. Xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida waxay abaabulan culus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM