Taliye ciidan oo qarax miino lagula eegtay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qarax loo maleynayo miino ayaa aroornimadda Axadda maanta ah waxaa laga soo wariyey meel ku dhow safaaradihii hore ee Turkiga ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Aaga weerarku ka dhacay sidoo kale waa nawaaxiga Madaxtooyaddii Cabdiqaasim Salaad. Sidoo kale, waxaa aagaas ku dhow iskuulka Hoyga Xamar oo qeyb kamid ah is-qabqabsi dhuleed uu ka taagan yahay.

Illaa haatan, ma cadda bartilmaameedka iyo khasaaraha. Laamaha ammaanka Soomaaliya ayaan sidoo kale wali ka hadlin dhacdadan.

Balse, warar ayaa sheegaya in lala beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo wadada marayey isla markaana ay ku dhinteen laba askari, mid kalana uu dhaawac kasoo gaarey.

Fahfaahinada ayaa xusaya in gaariga uu la socday taliye ku xigeenk ciidanka Soomaaliya, Jeneraal Cabbaas Amiin Cali.

Maleyshiyadda Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida ayaa aalaaba dusha saaratay mas'uuliyadda weeraradan noocaan oo ay la beegsato ciidamadda iyo mas'uuliyiinta dowlada.

Falkaan ayaa wuxuu kusoo aadayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay ay jireen digniino ku saabsan suurtagalnimadda weeraro loo adeegsado qaraxyo oo magaala madaxda madaxda ay ka fulin karto Al-Shabaab.

Digniintaas oo ka imaaneysa safaaradaha reer galbeedka ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegeysay in Al-Shabaab ay qaraxyo gaari iyo is-miidaamin ku beegsan karto xarumo dowladeed iyo mehrado kale.

Cabsida weeraro ay Al-Shabaab ka fuliso magaalada caasimadda ah waxaa sii xoojinaya hardanka siyaasadeed ee ka jira qabsoomida doorashooyinka 2020-21 oo aysan ka heshiin daneeyeyaasha ay khuseyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM