Qarax ka dhacay Muqdisho [Fahfaahin ku saabsan Khasaaraha]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhaawacmay, oo labo kamid ah ay yihiin Askar, halka ruuxa kale uu yahay Shacab kadib markii Qarax uu ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Taleex ee Magaalada Muqdisho, fiidnimadda caawa oo Arbaco ah.

Qaraxa oo noociisu ay kasoo baxayaan warar kala duwan, kaasoo laga maqlay Jugtiisa qaybo badan oo ka tirsan Magaalada ayaa la sheegay inuu ahaa mid Gaariga lagu soo xiray, oo ku qarxay dalcadda Taleex.

Goobjooge ayaa Telafoonka u sheegay Warsidaha Garowe Online, xafiiska Muqdisho in Qaraxa kadib ay goobta yimaadeen laamaha amniga, kuwaasoo saacado kooban hakad geliyay isku socodka, kaasoo haatan si caadi ah kusoo laabtay.

"Qarax wuu xooganaa, Gaari Cabdi Bile ah oo ay Shirka ka saarnaayeen Labo Askari ayaa ku dhaawacmay, ciidamo Boolis ah ayaa meesha yimid, iyagoo saacado xiray wada," ayuu yiri Goobjoogaha.

Saraakiisha Booliska Soomaaliya ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah in Askarta wax ku noqotay weerarkaan Qaraxa loo adeegsaday loola caray xarumaha caafimaadka ee ku yaala caasimadda dalka si xaaladooda caafimaad loola tacaalo.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda falkaan, balse dhacdooyinka noocaan ah ee ka dhaca degaano iyo degmooyin ka tirsan dalka waxaa inta badan dhabarka saarta kooxda Al-Shabaab oo dagaalo culus kawada dalka Tobanaan sano.

Horaantii bishaan ayey ahayd markii Qarax ka dhacay isla Aaga Taleex, kaasoo lagu beegsaday Askar ka tirsan Milatariga Soomaaliya, uu ugeystay khasaaro dhaawac ubadnaa, waxaana masuuliyadiisa sheegatay Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM