Qarax ka dhacay Muqdishu [SAWIRRO]

Image

MUQDISHU, Somalia - Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay, afar Askari oo katirsanaa ciidamada NISA way ku dhaawacmeen qarax gaari oo ka dhacay Isgoyska Ex-control Afgooye, ee magaalada Muqdishu. 

Maxamed Cali, oo ah Sarkaal katirsan Booliska Somalia ayaa u xaqiijiyay Garowe Online qaraxa, isagoo intaasi ku daray in Gaariga uu ahaa mid ay ku raad-joogeen, oo ku qarxay Ex-control xili la baarayay. 

Gaariga oo ahaa nooca NISAN Land cruiser ayaa Saraakiisha Boolisku waxay sheegeen in uu ku lug lahaa dilal ka dhacay dhawaan Muqdishu, islamarkaana ay ciidamadana hayeen xogtiisa.

Qofka ku dhintay qaraxa ayaa wuxuu ahaa Wadihii Gaariga, oo la sheegay inuu goobta ku nafwaayay, iyadoo uu dhaawac gaarsiiyay Afar Askari, oo kamid ah Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka (NISA).

Ciidamada amniga ee Soomaaliya, ayaa durbaba xiray wadada qaraxa kadib, iyagoo goobta ka qaaday burburka gaariga, dhaawacyada Askarta iyo meydka Ninka qarxiyay. 

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada weerar ka dhacay Ex-control Afgoye, blase Al shabaab ayaa qaraxyada noocan ah looga bartay inay ka fuliso dalka, gaar ahaan magaalada Caasumadda ah ee Muqdishu. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM