Qarax ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya Qarax dhawaqiisa laga maqlay meelo kala duwan oo kamid ah Muqdisho, kaasoo ka dhacay Fiidnimadii xalay oo Jimco ahayd nawaaxiga xarun uu Bankiga Amal ku leeyahay suuqa wayn ee Bakaaraha.

Goobjooge ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in qaraxa uu ahaa Miino lagu aasay meel ku dhow xarunta Bankiga, xili uu iyadoo uu geystay khasaarooyin kala duwan oo dhaawac u badan.

Inta la xaqiijiyey waxa uu dhaawac kasoo gaarey weerarkaan mid kamid ah illaaladda Bankiga, iyo qof kale oo shacab ah, kaasoo marayey goobta ay wax ka dhaceen, sida laga soo xigtay Goobjoogaha.

Hay'addaha amaanka ayaa durbadiiba soo gaarey halka uu qaraxu ka dhacay, iyaga oo sameeyay baaris, inkastoo aanan la ogayn hadii cid lagu soo qabtay howlgalo ay ka fuliyeen Aaga dhacdadu laga soo wariyey.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxaan, kaasoo imaanaya xili nabad-gelyadda caasimadda dalka ay ahayd mudooyinkii dambe mid liidatay, iyadoo ciidamada dowladda buux-dhaafiyeen wadooyinka.

Todobaadyo kahor ayey ahayd markii weeraro loo adeegsaday baabuur lagu so xiray lagu beegsaday xarumaha degmooyin deriska ah ee Howlwadaag iyo Hodan, kuwaasoo galaaftay nolasha ku dhawaad 30 qof oo dad shacab ah u badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Booqasho ay ku Tilmaantay Sharci-darro Cambaareysay

Warsaxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya soo saartay Talaadadii…

  • Soomaliya

    06-01-2026

  • 09:52PM

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Heshiis ka Gaarey Khilaafkooda Shakhsiyeed

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-01-2026

  • 08:02AM