Qarax ka dhacey degaanka Halgan oo ka tirsan gobolka Hiraan

Image

10 August, 2015 (GO)- Afar qof ayaa ku dhawacantey inta la ogyahay qarax khasaaro dhaliyay oo ka dhacay goob maqaaxi ah oo lagu shaaho kuna taala deegaanka Halgan ee degmada Buula-burte , iyadoo goobtaasi ku sugnayeen ciidamada AMSIOM iyo kuwa dowlada federaalka ah.

Lama oga in qaraxu ka dhashay Bam gacmeed lagu tuuray maqaaxida iyo miino goobta lagu aasay.

Deegaanka Halgan oo muddo dheer saldhig muhiim ah u aheyd xoogagga Al-shabaab waxaa dhawaan la wareegay ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Halgan ayaa dhowaan waxaa lagu diley dad shacab ah iyadoo lagu eedeyeey ciidamada AMSIOM ee ka howlgala degaankaas.

Sarakiisha hogaamisa ciidamadaan ayaa sheegtey in baaritaan ku sameyneyso shilkaan.

Qaraxaan ayaa khasaaraha dhabta uu gaystey kala socda wararkeena dambe

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM