Qarax ka dhex dhacay xarun isgaarsiin oo ku taala Muqdisho

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qarax ka dhashay Miino ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhex-dhacay gudaha shirkad isgaarsiin oo ku taala xaafada Black Sea, degmada Hodan ee Muqdisho, maanta oo Talaado ah.

Laamaha ammaanka Soomaaliya ayaa xaqiijiyey geerida laba ruux oo mid kamid ah uu yahay shaqaalaha xaruntaasi iyo dhaawaca dad ka badan saddex oo goobtaasi ka agdhowaa.

Meesha uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa degan shirkadda Somtel oo kamid ah kuwa maxaliga ah ee bixiya adeegyada talafoonada ee geyiga Soomaaliya.

Sawirro laga soo qaadey goobta, oo uu Warsidaha Garowe Online ayaa waxay muujinayan in burbur uu soo gaarey qayb kamid ah dhismaha xaruntaasi.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas’uuliyadda dhacdadan. Mas'uuliyiinta xaruntaasi oo uu GO isku dayey in uu wax laga waydiiyey qaraxan kama jawaabin codsiga.

Balse mudooyinkii dambe shirkadaha isgaarsiinta iyo ganacsatada ayaa cadaadis dhaqaalo doon ah kala kulmayey kooxaha hubeysan ee kasoo horjeeda dowlada ee Daacish iyo Al-Shabaab.

Kooxahan yaa qeybo kamid ah caasimada ku khaarijiyey howlwadeeno ka tirsan qaar kamid ah shirkadaha dalabkooda diiday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM