Qarax kale oo ka dhacey agagaarka KM4 magalaada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Afar qof ayaa ku dhaawacmay qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdishu, kaasi oo noqonaya midkii labaad mudo hal maalin gudaheeda ka dhaca Caasumadda Somalia.

Goob-jooge ayaa Warsidaha GO u xaqiijiyay in qaraxa uu ka dhacay meel ku dhaw dhisamaha safaarada Qatar ee ku taala Wadadka isku xirta Isgoyska KM4 iyo Tarabuunka, nawaaxiga Gurigii Cabdi qaasim. 

Afar ruux oo shacab ah, oo marayay wadada ayaa ku dhaawacantay qaraxa. 

Ma jiro wax khasaaraha ah oo gaarey shaqaalaha safaarada dowladda Qatar. 

Waa qaraxii labaad, oo ka dhaca magaalada 24-saac gudaheeda.

Qaraxa hore ayaa maanta ka dhacey Maqaaxi ku dhaw wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Muqdishu.

Qaraxyadana ayaa kusoo beegmaya, xilli maalintii shalay uu wasiirka cusub ee amniga uu shaaciyay inuu la imaan doono qorshe oo uu ugu magac-daray "Xasilinta Caasumadda." 

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM