​Qarax khasaare gaystay oo ka dhacay Baardheere

Image
Image

BAARDHEERE, Somalia- Qarax khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo, waxaana lala eegtay ciidamo katirsan kuwa dowladda Somalia.

Inta la hubo waxaa ku dhintay Labo Askari, waxaana dhaawacyo kala duwan soo gaareen ilaa Afar qof oo kale.

Dhibaato kale ayaa lagu waramayaa inay soo gaartay qaar kamid ah dadka deegaanka kadib markii Rasaas oodda ka qaadeen ciidamo la qarxiyay.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas'uuliyadda falkaasi, waxaana loo malaynayaa inuu qaraxu ahaa mid dhulka lagu aasay.

Weerarka oo galabta dhacaya ayaa yimid xilli halkaasi ka  jirto xiisad u dhaxaysa mallayshiyaad iska soo horjeeda.

Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin dhinaca saraakiisha ammaanka.

Todobaadkan waxaa kacsanayd xaaladda gobolka Gedo ee Somalia, waxaana jiray dagaallo dhexmaray ciidamada dowladda Somalia iyo mallayshiyaadka Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM