​Qarax khasaare gaystay oo ka dhacay Baardheere

Image
Image

BAARDHEERE, Somalia- Qarax khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo, waxaana lala eegtay ciidamo katirsan kuwa dowladda Somalia.

Inta la hubo waxaa ku dhintay Labo Askari, waxaana dhaawacyo kala duwan soo gaareen ilaa Afar qof oo kale.

Dhibaato kale ayaa lagu waramayaa inay soo gaartay qaar kamid ah dadka deegaanka kadib markii Rasaas oodda ka qaadeen ciidamo la qarxiyay.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas'uuliyadda falkaasi, waxaana loo malaynayaa inuu qaraxu ahaa mid dhulka lagu aasay.

Weerarka oo galabta dhacaya ayaa yimid xilli halkaasi ka  jirto xiisad u dhaxaysa mallayshiyaad iska soo horjeeda.

Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin dhinaca saraakiisha ammaanka.

Todobaadkan waxaa kacsanayd xaaladda gobolka Gedo ee Somalia, waxaana jiray dagaallo dhexmaray ciidamada dowladda Somalia iyo mallayshiyaadka Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM