Saraakiil ka tirsan ciidanka Jubbaland oo ku dhintay qarax ka dhacay Kismayo

Image

17 September, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya magalda Kismayo ayaa sheegay inay dhinteen labo ka mid ah saraakiisha ciidamada Jubbaland ka dib qarax lala beegsaday goob ay ku shirayeen.

Qaraxa ayaa ka dhacay gudaha xerada Shirkole ee magaalada Kismayo, waxaana lagu aasay sida ay sheegayaan illo lagu kalsoonyahay oo ku sugan magalada Kismayo Geed ay shir ku lahaayeen saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada maamulka Jubbaland.

Taliyaha ciidamada Daraawiishta Jubbaland Gen. Aadan Koojaar oo ka mid ahaa sarakiisha la weeraray, ayaa qaraxaasi ka bad-baaday.

Weerarka waxaa ku dhaawacmay saddex ka tirsan ciidanka Jubbaland kuwaasi oo loo qaaday goobaha caafimaadka.

Xerada la qarxiyay ayaa garabka ku heysa xarunta Madaxtooyada Jubbaland, waana xerada ugu weyn ee taliska ciidamada AMISOM ku leeyihiin Kismayo.

Warar aan la xaqiijin ayaa sidoo kale sheegaya in falkan gaysteen rag xirnaa dharka ciidamada maamulkaasi.

Dhinaca kale, saddex askari oo saarnaa gaari roondo  ayaa xalay dhaawacmay ka dib markii la bambo lagu weeraray gaari ay la socdeen.

Ma ahan markii ugu horraysay oo la weeraro ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland, dhawaan ayayna ahayd markii la qarxiyay ciidamo ku jiray xero tababar oo ku taalla magalada Kismayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM