Qarax khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hal Askari ayaa ku dhintay, qaar kalena way ku dhaawacmeen qarax saaka oo Arbaco ah ka dhacay magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya.

Sida Goob-jooge uu u sheegay Warsidaha Garowe Online, qaraxa oo ahaa miino ayaa lala eegtay ciidamada katirsan kuwa howlgalka xasilinta xilli ay marayeen Isgiyska Tarabuunka ee degmada Hodon.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda qaraxa, iyadoo ku faantay in saddex Askar ay ku dishay, inkastoo warkaasi ay Saraakiisha amniga degmada ay beeniyeen.

Qaraxa ayaa saameyn ku yeeshay isku socodkii gaadiidka iyoo dadweynaha, iyadoo ciidamada ay xireen wadada mudo daqiiqado ah, iyagoo meesha ka qaadey Askari dhintay meydkiisa iyo kuwa kale ee dhaawacmay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM