Qarax khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hal Askari ayaa ku dhintay, qaar kalena way ku dhaawacmeen qarax saaka oo Arbaco ah ka dhacay magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya.

Sida Goob-jooge uu u sheegay Warsidaha Garowe Online, qaraxa oo ahaa miino ayaa lala eegtay ciidamada katirsan kuwa howlgalka xasilinta xilli ay marayeen Isgiyska Tarabuunka ee degmada Hodon.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda qaraxa, iyadoo ku faantay in saddex Askar ay ku dishay, inkastoo warkaasi ay Saraakiisha amniga degmada ay beeniyeen.

Qaraxa ayaa saameyn ku yeeshay isku socodkii gaadiidka iyoo dadweynaha, iyadoo ciidamada ay xireen wadada mudo daqiiqado ah, iyagoo meesha ka qaadey Askari dhintay meydkiisa iyo kuwa kale ee dhaawacmay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM