​Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Saddex ruux, oo mid kamid ah uu yahay Askari katirsan dowadda federaalka Somalia ayaa ku geeriyootay, 4 kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaarey Qarax miino oo ka dhacay Muqdishu.

Goobjooge ayaa u sheegay GO in qaraxa uu ahaa mid aad u xoogan oo lala eegtay ciidamado katirsan Hay'adda NISA oo ku sugan Garaash ku yaalla xaafada Black-Sea degmada Hodon, ee gobolka Banaadir.

Wuxuu sheegay Goobjoogahan in Miinada lagu aasay albaabka garaashka, gaar ahaan meel ay fariistaan Ciidamada NISA.

Labo Shacab ah oo goobta ka agdhawaa iyo Hal Askari ayaa ku dhimatay Qaraxa.

Saddex kamid ah dadka dhaawacmay waa shacab, halka mid afaraad uu yahay Askari, waxaana loo qaadey Isbitaallada Muqdishu, si looga daweeyo dhaawacyada kasoo gaaray qaraxa Miino ee ka dhacay Black sea.

Wararka ayaa sheegaya in Garaashka uu qarax ka dhacay yahay midkii lagu soo diyaariyay Gaariigii loo adeegsaday Qaraxii 26-kii November ka dhacay Suuqa Beerta ee Degmada Waaberi.

Hay'adda NISA ayaa isla maalinta qaraxa Suuqa Beerta uu dhacay la wareegtay Garaashkaa, oo ilaa hadda ciidankeeda ay degan yihiin.

DFS ayaa horey u balan-qaaday inay la wareegayso goob kasta oo lagu diyaariyo qarax.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka oo kusoo beegmay xilli uu faraha kasii baxayo amniga magaalada Muqdishu, oo dhawaan lagu wado in lagu qabto Doorashada Madaxweyne.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM