​Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Saddex ruux, oo mid kamid ah uu yahay Askari katirsan dowadda federaalka Somalia ayaa ku geeriyootay, 4 kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaarey Qarax miino oo ka dhacay Muqdishu.

Goobjooge ayaa u sheegay GO in qaraxa uu ahaa mid aad u xoogan oo lala eegtay ciidamado katirsan Hay'adda NISA oo ku sugan Garaash ku yaalla xaafada Black-Sea degmada Hodon, ee gobolka Banaadir.

Wuxuu sheegay Goobjoogahan in Miinada lagu aasay albaabka garaashka, gaar ahaan meel ay fariistaan Ciidamada NISA.

Labo Shacab ah oo goobta ka agdhawaa iyo Hal Askari ayaa ku dhimatay Qaraxa.

Saddex kamid ah dadka dhaawacmay waa shacab, halka mid afaraad uu yahay Askari, waxaana loo qaadey Isbitaallada Muqdishu, si looga daweeyo dhaawacyada kasoo gaaray qaraxa Miino ee ka dhacay Black sea.

Wararka ayaa sheegaya in Garaashka uu qarax ka dhacay yahay midkii lagu soo diyaariyay Gaariigii loo adeegsaday Qaraxii 26-kii November ka dhacay Suuqa Beerta ee Degmada Waaberi.

Hay'adda NISA ayaa isla maalinta qaraxa Suuqa Beerta uu dhacay la wareegtay Garaashkaa, oo ilaa hadda ciidankeeda ay degan yihiin.

DFS ayaa horey u balan-qaaday inay la wareegayso goob kasta oo lagu diyaariyo qarax.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka oo kusoo beegmay xilli uu faraha kasii baxayo amniga magaalada Muqdishu, oo dhawaan lagu wado in lagu qabto Doorashada Madaxweyne.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM