Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan afar askari ayaa ku dhimatay, tirro kalana way ku dhaawacmeen qarax miino oo Axada maanta ah ka dhacay degaanka Tixsiile ee gobolka Shabeellaha Hoose, sidda ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Maleyshiyada gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida ayaa xustey in weerarkaas ay la beegsatay kolanyo ay la socdeen saraakiil Mareykanku tababaray.

Ma jiraan illo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashadda xoogaga hubeysan. Balse, dadka degaanku waxay tibaaxeen in qaraxaas uu dhacay balse waxay ka gaabsadeen waxyeelada dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay falkaas.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxa lala beegsaday kolanyo uu la socday gudoomiyaha gobolka Shabelelaha Hoose, Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii ayna wehliyeen saraakiil ka tirsan kumaandooska ciidamadda Danab.

Mas'uuliyiinta ayaa kusii jeeday degmadda Wanlaweyn halkaasoo muddooyinkii lasoo dhaafay ay ka jirtay colaad u dhaxeysa bulshooyin walaalo ah.

Beer Yarre, taliyaha ciidamadda kumaandooska Danab, ayaa lagu waramay in uu kamid yahay dadka ku dhaawacmay falkaas. Axmed Gaashaan, oo ah taliye guuto, ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in uu kamid yahay dhaawacyadda.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay Al-Shabaab isla markaana ay si joogto ah uga fuliso howlgalada. Weerarkan wuxuu imaanayaa maalmo kadib markii dowladda Mareykanka ay la baxdey ciidankiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya ka hadashay qorshaha Masar ee Ciidamada ku keenayso Soomaaliya

Xiisadda cusub waxay kusoo beegmaysaa xilli uu weli taagan yahay muranka u dhexeeya Masar iyo Itoobiya.

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 11:52AM

Cabdirisaaq Khaliif: Firdhiye wuxuu katirsan yahay xisbiga Xasan Sheikh, DFS ayaana dhisaysa

Cabdirisaaq ayaa si xooggan u beeniyay warar sheegaya in ololihiisa doorashada uu ka helayo taageero maamulada Somaliland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 08:28AM