​Qarax khasaaro sababay oo ka dhacay Jowhar

Image

JOWHAR, Somalia - Qarax culus, oo khasaaro geestay ayaa xalay ka dhacay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.

Saraakiisha maamulka Jowhar, ayaa sheegay in Qaraxa uu ka dhashay Bam gacmeed lagu weeraray xarun ay ciidamada dowladda Somalia ku leeyihiin Xaafada Hanti-wadaag.

Inta la xaqiijiyay 2 ruux, oo shacab ah oo ku sugnaa guri ku dhaw Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa ku dhawacmay, waxaana la dhigay Isbitaalka degmada Jowhar.

Qaraxa kadib, ciidamada dowladda Somalia ayaa sameeyay howlgallo ballaaran oo ay ku fuliyeen xaafadda Hanti-wadaag, iyo qeybaha kale ee degmada, balse ma jirto cid ay usoo qabteen weerarka.

Ma jirto cid sheegatay Mas'uuliyada qaraxa magaalada Jowhar, ee xarunta maamulka Hir-Shabelle, laakiin weerarada Noocaan ah waxaa looga bartay Kooxda Al shabaab.

Dhanka kale, Madaxweynaha Hir-Shabelle oo dib ugu laabtay shalay magaalada ayaa sheegay in maalmaha soo socdo uu ku dhawaaqi doono golahiisa wasiirada cusub.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM