Qarax khasaaro sababay oo markale ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Mas'uul katirsanaa dowladda hoose ee Xamar ayaa goordhow lagu Khaarajiyay qarax loogu xiray gaarigiisa, sida ay Saraakiisha Booliska u xaqiijiyeen Warsidaha Garowe Online.

Mas'uulkan oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Afleershe, ayaa ku dhintay Bam loogu xiray Gaarigiisa gaarka ah, kaasi oo ku qarxay xilli uu marayay nawaaxiga xaruntii hore ee UNICEF ee degmada Waaberi.

Goobjooge ayaa sheegay in Qaraxa kadib, ciidanka Booliska iyo Nabad Sugida Somalia ayaa xiray goobta uu qaraxa ka dhacay, iyagoo sameeyay howlgallo baaritaan ah, oo ay ku sameeyeen Gaariga iyo Meydka.

Wararka qaar ayaa sheegayo in ninka lagu dilay qarax gaari uu ahaa Ganacsade.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada weerarkaaas oo noqonayo midkii labaad mudo Labo maalmood gudahooda ka dhacay magaalada Muqdishu, ee xarunta dalka Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa dhawaan shaaciyay inay la dagaalami doonaan dowladda cusub, si ay u fashiliyaan qorshaha Madaxweyne Farmaajo oo ah in dalka uu mudo labo sano ah kusoo celinayo amnigiisa.

Garai nooca raaxada ah ayaa shalay ku qarxay Isgoyska Ex-control Afgooye, kaasi oo ay ku dhaawacmeen 4 ruux, oo kamid ah ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Nabad sugida Soomaaliya ee (NISA).

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM