Qarax lagu dilay ciidamo katirsan maamulka Koonfur Galbeed
BAYDHABO, Somalia- Ciidamo ka tirsan milatariga Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku geeriyooday qarax Miino oo lagu aasay wadada u dhaxeysa Daynuunay iyo Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Weerarka ayaa ka dhacay goob lagu magacaabo Buundo Madow oo ku taal duleedka Magaalada Baydhabo.
Khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa qaraxaas ka dhashay, waxaana wararka uu helayo GO xaqiijinayaan, in Saddex Askari ay ku geeriyoodeen.
Ciidamada dhintay ayaa dhammaantood saarnaa hal baabuur, kuwaasoo kusii jeeday xero ku taalla deegaanka Daynuunaay.
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka lagu dilcay ciidamadaas katirsanaa maamulka Koonfur Galbeed ee dalka Somalia.
Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay dhinaca maamulka Koonfur Galbeed.
Maaha markii ugu horaysay ciidamo katirsan Milatariga xukuumadda Baydhabo lagu dilo qarax ay fuliyeen mintidiin katirsan ururka Al Shabaab.
GAROWEONLINE