Qarax lala beegsadey macalin Jamacadeed oo la shaqeeynayey Musharax Jibriil Ibrahim

Image

MUQDISHU, Somalia - Qarax lagu xiray Gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Muqdishu, ee caasimada Soomaaliya.

Goobjooge ayaa GO u xaqiijiyay in Bam lagu xiray Gaari uu leeyahay Nin Macalin Jaamacadeed ah, uu ka dhacay xaafada halka loo yaqaano Sei Piano ee degmada Hodon.

Maclinka Jaamacadeed oo lagu magacaabo Cabdiweli Baadi Maxa'ed ayaa ku dhaawacmay Qarax loogu xiray Gaarigiisa.

Wararku waxay sheegayaan in Macalinka uu maalmahan la shaqeynayay Jibriil Ibraahim Cabdulle, oo ah Musharax u tartamaya Madaxweynaha Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM