Qarax lagu weeraray xero ciidan kuna taala duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax ayaa Arbacada maanta ah waxaalagu weeraray xerada ciidanka Asluubta Soomaaliya ee ku taala duleedka Koonfur Galbeed ee caasimada Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya nooca qaraxa.Fahfaahinada qaar waxay muujinayaan in qaraxa loo adeegsaday gaari, halka kuwa kala ay xusayaan in lagu soo rakibay Mooto Bajaaj.

Ma cadda haddii uu weerarku fuliyey ismiidaamiye. Dadka degan aaga qaraxu ka dhacay iyo nawaaxigeeda waxay u sheegeen warsidaha Garowe Online in jugtiisa ay cusleyd.

Saddex goobjooge oo siyaabo kala duwan ugu waramay Garowe Online ayaa xaqiijiyey in khasaaro ay jirto. Hasa ahaatee, waxay ka gaabsadeen in ay carabaabaan tiradda saxda ah.

Ma jirto koox si deg-deg ah dusha u saaratay mas'uuliyadda weerarka. Hasa ahaatee, waxaa lagu tuhmayaa maleyshiyadda Al-Shabaab ee gacansaarka la leh xoogaga hubeysan ee Al-Qaacida.

Qaraxaan ayaa kusoo aadaya xilli Muqdisho ay todobaadkan dhexda kaga jirtay qalalaase siyaasadeed oo salka ku haya qabashadda doorashooyinka iskuna rogay gacan ka hadal xooggan.

Gacan ka hadalka ayaa u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan dowladda iyo mucaaradka. isku-dhacaas waxaa la xaqiijiyey in ay ka dhasheen khasaaro isugu jira mid nafeed iyo burbur hanti.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM