Qarax lagu weeraray xero ciidan kuna taala duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax ayaa Arbacada maanta ah waxaalagu weeraray xerada ciidanka Asluubta Soomaaliya ee ku taala duleedka Koonfur Galbeed ee caasimada Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya nooca qaraxa.Fahfaahinada qaar waxay muujinayaan in qaraxa loo adeegsaday gaari, halka kuwa kala ay xusayaan in lagu soo rakibay Mooto Bajaaj.

Ma cadda haddii uu weerarku fuliyey ismiidaamiye. Dadka degan aaga qaraxu ka dhacay iyo nawaaxigeeda waxay u sheegeen warsidaha Garowe Online in jugtiisa ay cusleyd.

Saddex goobjooge oo siyaabo kala duwan ugu waramay Garowe Online ayaa xaqiijiyey in khasaaro ay jirto. Hasa ahaatee, waxay ka gaabsadeen in ay carabaabaan tiradda saxda ah.

Ma jirto koox si deg-deg ah dusha u saaratay mas'uuliyadda weerarka. Hasa ahaatee, waxaa lagu tuhmayaa maleyshiyadda Al-Shabaab ee gacansaarka la leh xoogaga hubeysan ee Al-Qaacida.

Qaraxaan ayaa kusoo aadaya xilli Muqdisho ay todobaadkan dhexda kaga jirtay qalalaase siyaasadeed oo salka ku haya qabashadda doorashooyinka iskuna rogay gacan ka hadal xooggan.

Gacan ka hadalka ayaa u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan dowladda iyo mucaaradka. isku-dhacaas waxaa la xaqiijiyey in ay ka dhasheen khasaaro isugu jira mid nafeed iyo burbur hanti.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM