Dhalinyaro loo qoray ciidamadda oo qarax lagu laayey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax uu fuliyey naftii halige ah ayaa Talaalada maanta ah waxaa lagu weeraray xerada Dhagabadan ee Muqdisho taas oo ku taala koonfurta caasimada Soomaaliya.

Illo wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa intaas ku daray in ismiidaamiyaha uu isku-dhex-qarxiyey xerada "iyaddoo tababar uu u socdo cutubyo cusub oo kamid noqonaya ciidanka xoogga". 

Warar horudhac ah ayaa muujinaya in khasaaraha uu aad u badan yahay. Gaadiidka gurmadka deg-deg ah waxay qulquleen goobta ay wax ka dhaceen si ay u soo daabulaan dhibaneyaasha.

Fahfaahinada ayaa intaas ku daraya in dadka ugu badan ee ku geeriyoodey weerarkan ay isugu jiraan dhalinyaro loo xareynaayey in tababar loogu qaado Turkiga iyo askar ilaalineysay.

"Illaa haatan, waxaan anigu arkay dhimashadda shan askari oo isugu jiray dhalinyaro tababar loo waday iyo ilaalada xerada si lamid ah shacab wadada marayey," ayuu yiri sarkaal ammaan.

Taliyaha ciidamada Soomaaliya, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo ay soo xigatay warbaahinta dowladda, ayaa xaqiijiyey in dadka ku nafwaayey weerarka ay ahaayeen dhalinyaro loo qoray ciidanka.

"Allaha u naxariisto waxaa dhimatay 10 kamid dhallinyaro dooneysay in ay ku biiraan ciidamada xoogga dalka waxaana dhaawac soo gaaray 20 kale kuwaa oo ku sugnaa banaanka koontarool-ka laga galo xerada Ciidanka ee General Dhaga badan, dhallinyarada ayaa sugeysay Baaritaanka ka hor inta uusan dhex galin qof naftii halige ah," ayuu yiri.

Maleyshiyada Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida ayaa dusha u ridatay mas'uuliyadda weerarkan, iyaddoo xustey "in ay ku dishay 40 askari kuna dhaawacmeen 50 kale".

Xerada Jeneraal Dhagabadan oo loogu magacdaray Abaanduulihii hore ee ciidanka xoogga Soomaaliya, Cabdikariin Yuusuf Aadan "Dhago-badan" ayaa loo ku dhow warshadihii hore ee Nacnaca.

Jeneraal Dhagabadan ayaa kamid ah saraakiisha ciidamada Soomaaliya ee doorka weyn ka cayaaray in magaala madaxda Muqdisho ay noqoto mid si weyn uga caagan ama laga saaro Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo u ogolaatay Itoobiya inay qeyb ka noqoto AUSSOM

Taliyeyaasha ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay taageerto dhismaha awoodaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

  • Soomaliya

    23-02-2025

  • 07:11PM

Madaxda Sirdoonka iyo Militeriga Itoobiya oo booqday Muqdisho

In kasta oo ciidamada Itoobiya ay muddo dheer joogeen Soomaaliya, heshiiskani wuxuu muujinayaa iskaashi rasmi ah iyo qaab-dhismeed leh.

  • Soomaliya

    23-02-2025

  • 12:41PM