Qarax lala beegsaday guddoomiyaha degmada Ceelwaaq

Image

May 2, 2015 (GO)- Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintey shan kalena way ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gado.

Qaraxa oo sida lagu soo warramayo ka dhashay miino nooca dhulka lagu aaso ah waxaa lala beegsaday duqa Ceelwaaq Ibraahim Guuleed Aadan iyo ilaaladiisa.

Ku-xigeenka duqa Ceelwaaq Faarax Macallin Bishaar ayaa idaacadda VOA u sheegay in guddoomiyaha dhaawaciisu fudud yahay islamarkaana loo qaaday dhanka Kenya si daryeel caafimaad loogu fidiyo.

"magaalada bartamaheeda ayuu qaraxu ka dhacay, waxayna wax ku gaareen guddoomiyihi iyo istaafkiisii iyo qolooyin shacab ah...guddoomiyha dhaawac fudud baa gaarey haatanna isbitaal baa loo qaadey" ayuu yiri.

Afarta qof ee kale ee dhaawacntey ayuu sheegay inay kala yihiin sarkaal ka tirsanaa ciidamada, qof rayid ah oo xilligii qaraxu dhacay goobta ka ag dhowaa iyo labo kamid ahaa ilaalada guddoomiyaha.

Mas'uuliyadda weerarkan cidi ma sheegan ilaa iyo hadda, balse Al-shabaab ayaa horay u sheegatay qaraxyo badan oo horay loola beegsaday mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM