Qarax lala beegsaday guddoomiyaha degmada Ceelwaaq

Image

May 2, 2015 (GO)- Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintey shan kalena way ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gado.

Qaraxa oo sida lagu soo warramayo ka dhashay miino nooca dhulka lagu aaso ah waxaa lala beegsaday duqa Ceelwaaq Ibraahim Guuleed Aadan iyo ilaaladiisa.

Ku-xigeenka duqa Ceelwaaq Faarax Macallin Bishaar ayaa idaacadda VOA u sheegay in guddoomiyaha dhaawaciisu fudud yahay islamarkaana loo qaaday dhanka Kenya si daryeel caafimaad loogu fidiyo.

"magaalada bartamaheeda ayuu qaraxu ka dhacay, waxayna wax ku gaareen guddoomiyihi iyo istaafkiisii iyo qolooyin shacab ah...guddoomiyha dhaawac fudud baa gaarey haatanna isbitaal baa loo qaadey" ayuu yiri.

Afarta qof ee kale ee dhaawacntey ayuu sheegay inay kala yihiin sarkaal ka tirsanaa ciidamada, qof rayid ah oo xilligii qaraxu dhacay goobta ka ag dhowaa iyo labo kamid ahaa ilaalada guddoomiyaha.

Mas'uuliyadda weerarkan cidi ma sheegan ilaa iyo hadda, balse Al-shabaab ayaa horay u sheegatay qaraxyo badan oo horay loola beegsaday mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM