Qarax lala eegtay Maareeyaha Dekadda Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maareeyaha dekadda Muqdisho, Axmed Washington, ayaa Saakay ka badbaadey qarax miino oo gaari uu la socday lagula eegtay degmada Cabdi Casiis ee Muqdisho gaar ahaan nawaaxiga Isbitaal Laansareeti.

Warar is-khilaafsan ayaa kasoo baxaya khasaaraha, waxaana goobjoogiyaasha ay sheegeen in qaar kamida askarta ilaalada u ah Maareeyaha ay ku dhaawacmeen, islamarkaana ay jirto dhimasho, balse tirada aan la ogeyn.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa, oo noqonaya midkii labaad oo Muqdisho ka dhacay tan iyo xalay, waxaana muuqatada in hay'adaha amaanka ay ka jeesteen waajibaadkooda sugida amniga.

Al-Shabaab ayaa ka faa'ideysanaysa xiliga kala guurka, waxayna kordhisay weerarada, si ay u carqaladeyso doorashooyinka soo socda, oo khilaaf oo ka jiro, islamarkaana laga cabsi qabo inay dib uga dhacaan waqtigii lagu balamay, oo ah December 2020.

Mucaaradka ayaa aaminsan in Farmaajo uu doonayo mudo korarsi, iyadoo dhawaan soo saarey war-murtiyeed ay ku sheegeen inay qaban doonaan doorasho haddii aysan dowladda bedelin xubnaha gudiyadda doorashooyinka lagu soo daray ee katirsan NISA iyo shaqalaha rayida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM