Qarax magalaada Muqdishu lagula beegsadey sarkaal ka tirsan Nabad sugida

Image

MUQDISHU, Somalia - Sarkaal katirsana Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka dalka ee (NISA), ayaa ku dhaawacmay qarax maanta oo Arbaco ah ka dhacay magaalada Muqdishu ee caasumadda Somalia.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Nuur Samatar [Caano Boore], uu ku dhaawacmay qarax loogu xiray Gaarigiisa, kaasi oo ku qarxay meel ku dhaw Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Goobjoogiyaal ayaa u xaqiijiyay GO Caano Boore dhaawiciisa loola cararay Isbitaal ku yaalla magaalada, si loogu daweeyo. Al shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyada qaraxa lagu dhaawacay Sarkaalka NISA.

Ciidamada dowladda Federaalka Somalia ayaa xiray goobta, kadibna sameeyay howlgall aan cidna lagu soo qaban. Ma jirto wax khasaaro ah oo dadka shacabka ee goobta ka agdhawaa kasoo gaarey qaraxa.

Qaraxan ayaa kusoo beegmaya, xilli dhawaan ay Dowladda joojisay Howgalkii Xailinta Caasumadda, kaasi oo wax badan ka bedelay amniga, kana hortagay weeraradii joogtada ee Kooxda Al shabaab.

Dadka ayaa su'aallo badan iska waydiinaya waxa keenay inuu joogsado howlgalka, waxaana la hadal hayaa in Saraakiisha sare ee Hay'adaha amniga loo xilsaarey ay lunsadeen dhaqaalihii loogu talo galay Howlgalkii Xasilinta Caasumadda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM