Qarax miino oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax miino ayaa subaxnimadii Khamiista maanta ah wuxuu ka dhacay wadada isku xirta isgoysyadda Tarbuunka iyo KM4, degmadda Hodan ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sidda ay Garowe Online u sheegeen goobjoogeyaal, qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay nawaaxiga Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim.

Goobjoogeyaasha ayaa intaas ku daray in xilliga uu qaraxu dhacayey ay goobta marayeen gaadiid ciidan oo galbinayey baabuur nooca aan xabadda karin ee Bullet-proofka.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha weerarkan lagu tuhmayo maleyshiyadda gacansaarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacidda.

Laamaha ammaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaan wali wax war ah kasoo saarin falkaas.

Habeenimadii Talaadada ayay ahayd markii isgoyska Afasiyooni ee degmadda Waaberi uu qarax kaga badbaadey afhayeenka booliska Soomaaliya, Sadiiq Doodisho.

Falalka liddiga ku ah nabad-gelyada ee kusoo badanaya magaala madaxda ayaa kusoo hagaagaya xilli waddanka isku diyaarinayo doorashooyin xasaasi ah isla markaana wali is-mari-waa uu ka taagan yahay

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo go'aan adag ka qaatay taageerada amniga Soomaaliya

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo lagu raadinayo xal waara oo lagu sii wadi karo hawlgalka.

  • Soomaliya

    18-07-2026

  • 09:33AM

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM