Qarax xoog leh oo ka dhacay duleedka Muqdisho [Fahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Macluumaad dheeri ah ayaa kasoo baxaya Qarax ka dhacay xaafada Weydow ee degmada Hodan duleedka Muqdisho, mar sii horeysay oo maanta oo Axad ah, sida ay xaqiijiyeen laamaha amniga Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa Miino dhulka lagu duugay ayaa la kacday gaari nooca raaxada ah oo uu watay sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda Soomaliya gaar ahaan Asluubta, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Dheere.

Fahfaahinta uu warsidaha Garowe Online helayo waxay tilmaamaysaa in Cabdi Dheere uu ka baxay xarunta ciidanka Asluubta Soomaaliya ee ku taalla Isgoyska Ex-kontarool Afgooye ee duleedka caasimadda, kuna sii jeeday Ceelasha Biyaha.

Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa GO u xaqiijiyay in sarkaalka uu ku geeriyooday Qaraxa xili ruux kale oo shacab ahaa uu weerarkani ku naf-waayay, inkasta oo aanan lasoo warin khasaaro dhaawac ah.

Ma jirto cid sheegatay mas;uuliyadda Qaraxaan, balse, kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish garabka Soomaaliya ayaa dilal iyo falal kale oo lidi ku ah amniga ka wadey mudooyinkii dambe magaalo madaxda dalka.

Inta badan gawaarida ay la socdaan ciidamada dowlada Soomaaliya iyo saraakiishooda ayaa lagu beegsadaan duleedka iyo gudaha caasimada, xili ay Kontaroolada laga soo galo ku sugan yihiin Boolis amniga sugaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM